Balcad, Shabeellada Dhexe – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa degmada Balcad ka fulisay Wajiga 2-aad ee mashruuca gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha. Mashruucan oo wajigiisii koowaad horey degmada looga hirgeliyay, ayaa hadda galay wajigiisa labaad, iyadoo sidoo kale la filayo in la bilaabo wajiga saddexaad dhawaan.
SoDMA ayaa si nidaamsan u maamushay qeybinta gargaarka, iyada oo dadka xaqa u leh marka hore la diiwaangeliyay, ka dibna la xaqiijiyay kaararkooda si loo hubiyo in cunto iyo taageero kale ay si cadaalad ah ugu gaarto qoys walba. Wajigan 2-aad waxaa ka faa’iideystay 3,696 qoys, kuwaas oo u mahadceliyay SoDMA iyo hay’adaha taageeray, iyagoo sheegay in gargaarku uu yimid xilli ay aad ugu baahnaayeen.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan SoDMA oo goobta ku sugnaa ayaa kormeeray habsami u socodka hawsha, waxayna sheegeen in wajiga 2-aad uu muhiimad weyn u leeyahay dadka nugul, isla markaana xulashada qoysaska la caawinayo ay ku saleysan tahay baahi dhab ah oo soo wajahay bulshada.
Mashruuca gargaarka ee laga fuliyay degmada Balcad waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyadoo loo marayo African Risk Capacity (ARC), si loo xoojiyo dadaallada lagu hubinayo in gargaarka degdegga ah uu si hufan u gaaro dadka u baahan.
0 Comments