JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SoDMA : 3,696 Qoys oo Ka Faa’iideystay Gargaarka Wajiga Labaad ee Balcad.

Bogga HoreWararka SoDMA : 3,696 Qoys oo Ka Faa’iideystay Gargaarka Wajiga Labaad ee Balcad.
Balcad, Shabeellada Dhexe – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa degmada Balcad ka fulisay Wajiga 2-aad ee mashruuca gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha. Mashruucan oo wajigiisii koowaad horey degmada looga hirgeliyay, ayaa hadda galay wajigiisa labaad, iyadoo sidoo kale la filayo in la bilaabo wajiga saddexaad dhawaan.
SoDMA ayaa si nidaamsan u maamushay qeybinta gargaarka, iyada oo dadka xaqa u leh marka hore la diiwaangeliyay, ka dibna la xaqiijiyay kaararkooda si loo hubiyo in cunto iyo taageero kale ay si cadaalad ah ugu gaarto qoys walba. Wajigan 2-aad waxaa ka faa’iideystay 3,696 qoys, kuwaas oo u mahadceliyay SoDMA iyo hay’adaha taageeray, iyagoo sheegay in gargaarku uu yimid xilli ay aad ugu baahnaayeen.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan SoDMA oo goobta ku sugnaa ayaa kormeeray habsami u socodka hawsha, waxayna sheegeen in wajiga 2-aad uu muhiimad weyn u leeyahay dadka nugul, isla markaana xulashada qoysaska la caawinayo ay ku saleysan tahay baahi dhab ah oo soo wajahay bulshada.
Mashruuca gargaarka ee laga fuliyay degmada Balcad waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyadoo loo marayo African Risk Capacity (ARC), si loo xoojiyo dadaallada lagu hubinayo in gargaarka degdegga ah uu si hufan u gaaro dadka u baahan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.