JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka oo si rasmi ah Muqdisho uga furmay

Bogga HoreWararka Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka oo si rasmi ah Muqdisho uga furmay

June 17, 2025

Drr | News

Muqdisho – 17 Juun 2025: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan muhiimka ah ayaa ujeedkiisu yahay in dib loo eego, lana tayeyo Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, iyadoo laga duulayo xaaladda dhabta ah ee dalka, loona marayo wadatashi ballaaran oo ay ka qeybgalayaan daneeyeyaasha kala duwan ee la xiriira arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo ay kamid yihiin, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali, Ku-xigeenka Madaxa WFP Soomaaliya, Mr. Marco Selva, Wakiillo ka kala socday wasaaradaha dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir, Hay’ado heer Federaal ah, hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dhismaha siyaasad qaran oo dhammaystiran, loo dhan yahay, kana tarjumeysa xaqiiqada ka jirta dalka.
“Aqoon-isweydaarsigan wuxuu na siinayaa fursad aan ku mideyno khibrad, aragti, talo iyo dhaliil si loo helo siyaasad aan kaliya ahayn mid loo dhan yahay, balse sidoo kale la taaban karo, waarta, oo waafaqsan xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wuxuu sidoo kale dhiirrigeliyay ka qeybgalayaasha in ay si furan oo hufan u muujiyaan aragtidooda, talooyinkooda si dhisid leh u cabbiraan, iyagoo mudnaan siinaya xalal dhab ah oo loo siman yahay, cidna aan laga tagin.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.