Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐈𝐬𝐬𝐞, ayaa Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC) ku soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo falanqaynaysa xaaladda abaaraha dalka ee bisha Janaayo 2026.
Warbixintu waxay diiradda saartay isbarbardhigga abaarta haatan jirta iyo kuwii hore, xoojinta u-ololeynta iyo wacyigelinta, iyo heerka maalgelinta ka-jawaabista abaarta iyo nusqaanta weli jirta, iyadoo la adkeeyay muhiimadda garab-istaag degdeg ah iyo isku-duwid qaran oo wax-ku-ool ah.








0 Comments