JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Shirka Hawlgelinta Guddiga Farsamada Qaranka ee Ka-Hortagga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay.

Bogga HoreWararka Shirka Hawlgelinta Guddiga Farsamada Qaranka ee Ka-Hortagga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Ahmed Abdi Aadan, ayaa Magaalada Moqdisho daah-furay Shirka Hawlgelinta Guddiga Farsamada Qaranka ee Ka-Hortagga Musiibooyinka Soomaaliya (NTWGAA).
Shirkan waxaa ka qeyb galay madax iyo wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sh. Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada shirka iyo muhiimadda ay leedahay hawlgelinta NTWGAA, taas oo door weyn ka qaadan doonta ka-hortagga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka.
Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa diiradda lagu saari doonaa dejinta doorka iyo mas’uuliyadaha guddiga, aqoonsiga khataraha mudnaanta leh, iyo diyaarinta qorshe hawleed cad oo lagu xoojinayo dadaallada ka-hortagga musiibooyinka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Ahmed Abdi Aadan, ayaa carrabka ku adkeeyay in qaadashada tallaabooyin hore iyo iskaashi mideysan ay yihiin furaha lagu yareyn karo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo xusay in NTWGAA ay tahay madal muhiim u ah isku-duwidda daneeyayaasha iyo xoojinta u-diyaargarowga masiibooyinka dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.