Hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka Somaaliyeed (SoDMA) ayaa soo gabagabeysay shir laba maalmood socday oo lagu tijaabinayay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Ka Jawaabista Masiibooyinka (SRSP).
Shirka oo ay ka qeyb galeen hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo la-hawlgalayaal caalami ah, ayaa lagu qiimeeyay habraacyada hawlgalka (SOP-yada) iyadoo la qabtay layli jilitaan iyo kulan falanqeyn ah. Ujeedku wuxuu ahaa in la hubiyo in nidaamku si degdeg ah, hufan oo isku xiran uga jawaabi karo xaaladaha degdegga ah.
Nidaamkan ayaa xoojinaya isku xirka ilaalinta bulshada iyo maareynta masiibooyinka, si loo helo hannaan qaran oo mideysan oo xaqiijiya in taageero waqtiyeysan oo wax ku ool ah la gaarsiiyo bulshada ugu nugul marka ay dhacaan musiibooyin.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u soo xiray shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirka hay’adaha kala duwan iyo u-diyaargarowga qaran ee dhamaystiran, si loo hubiyo in jawaab degdeg ah, hufan oo waxtar leh loo bixiyo marka ay dhacaan musiibooyin, loona yareeyo saameyntooda bulshada iyo hantidooda.
0 Comments