JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

SAFIIRKA SOOMAALIYA U FADHIYA ISBAHAYSIGA CAALAMIGA AH EE LA-DAGAALLANKA ARGAGIXISADA (IMCTC) OO SOO BOOQDAY XARUNTA SoDMA

Bogga HoreWararka SAFIIRKA SOOMAALIYA U FADHIYA ISBAHAYSIGA CAALAMIGA AH EE LA-DAGAALLANKA ARGAGIXISADA (IMCTC) OO SOO BOOQDAY XARUNTA SoDMA

September 18, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka, Gen. Tuuryare, oo haatan ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Wafdiga uu hoggaaminayay Safiirka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Dr. Cabdinaafic, iyo Col. Cabdifitaax Sayid oo ka socda Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada isla markaana ah Madaxa CT-da ee xafiiska ONS
Kulanka ka dhacay xarunta SoDMA ayaa labada dhinac uga wada hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa SoDMA iyo IMCTC, gaar ahaan dhinacyada gurmadka bani’aadamnimo iyo xoojinta dadaallada la-dagaallanka argagixisada.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa ku nuuxnuuxsaday in wada-shaqeyntan joogtada ahi ay horseedi doonto xal waara oo wax ku ool ah, isla markaana ay sare u qaadi doonto awoodda hay’adda ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo taageeridda shacabka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.