Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka ka jirta, taas oo haatan gaartay heer aad u halis ah oo u baahan jawaab degdeg ah si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay saameysay.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulanka uga warbixiyay saameynta abaarta, gobollada ugu daran, iyo baahiyaha bini’aadannimo ee degdegga ah ee taagan. Waxa uu xusay in SoDMA ay wado dadaallo joogto ah oo la xiriira isu-dubbaridka iyo ka jawaabista xaaladda bani’aadannimo ee dalka.
Danjire Axmed Jumca Al-Rumayti ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo carrabka ku adkeeyay inay mar walba garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag ee ay ka jiraan masiibooyinka dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay weli ku garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.








0 Comments