JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Bogga HoreWararka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle. Waxaana diiradda lagu saaray dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaarta oo saameysay 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, iyo sidii loo adkeyn lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah iyo garab-istaag mideysan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola tacaalo dhibaatooyinka ka dhashay abaarta.

Danjiraha Qatar Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi ayaa xaqiijiyey in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada iyo garab-istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ka qeyb qaadashada jawaabaha bani’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed.

Ugu Danbeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaarta ee soo noqnoqday. Waxa uu ku ammaanay Qatar in ay mar walba tahay saaxiib dhow oo si joogto ah uga jawaaba baahiyaha degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.