George Conway, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ahna isku-duwaha arrimaha bani’aadannimo, oo hadal ka jeediyay shir heer qaran ah oo looga hadlayay abaarta soo laalaabatay ee dalka, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo midnimada bulshada.
Conway wuxuu sheegay in haweenka, ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha kala duwan ay midoobaan, si si wax ku ool ah looga jawaabo saameynta abaarta, maadaama xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ay sii xumaanayso.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay dowladda, bulshada iyo beesha caalamka in ay wada shaqeeyaan si loo yareeyo dhibaatada abaarta, loona hubiyo in gargaarka degdegga ah uu gaaro dadka ay saameysay, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo dadka nugul.
Ugu danbeyn George Conway ayaa tilmaamay in ka-qaybgalka haweenka iyo ururrada bulshada rayidka ah uu fure u yahay guusha qorshayaasha gurmadka, maadaama ay door muuqda ka qaadan karaan hagidda, fududeynta iyo gaarsiinta gargaarka bulshada.








0 Comments