JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

QABAN-QAABADA SHIRKA CILMI BAARISTA OO KA BILAABATAY MUQDISHO

Bogga HoreWararka QABAN-QAABADA SHIRKA CILMI BAARISTA OO KA BILAABATAY MUQDISHO

September 24, 2025

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday xarunta maareynta masiibooyinka ee Jaamacadda Muqdisho, si loo dardargeliyo qabanqaabada Shirweynaha Somalia Disaster Resilience Conference (SDRC) oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho sanadkan.
Kulanka waxaa ka qayb galay madaxda Waaxyaha Cilmi-baarista, Tababarka, iyo Warfaafinta SoDMA, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga u dhexeeya hay’adda iyo xarumaha tacliinta sare.
Shirka SDRC ayaa lagu wadaa inuu noqdo madal muhiim ah oo ay isugu yimaadaan khubaro iyo cilmi-baarayaal, si loo dejiyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka.
Ugu dambayn, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa ku bogaadiyay guddiga qabanqaabada dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta shirka, isaga oo xusay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo horseedi doonta horumar iyo adkeynta kaabayaasha adkaysiga masiibooyinka Soomaaliya.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.