War – Murtiyeedka Shirka Sedex Billaha ah ee iskudiwidda Arrimaha Gurmadka Deg Dega ah ah
Taariikh: 07/10/2024.
Goobta: Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ah (XQGDD) ee SoDMA
Ujeeddo : Soo koobida Doodaha Muhiimka ah iyo Talaabooyinka Xiga
Manta oo ay taarikhda tahay 7, October 2024, ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Qaran ee gurmadka deg dega , Shirka sedex billaha ah ee iskuduwidda Arrimaha Gurmadka deg dega ah. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arriamha gurmadka deg dega ah , ayaa waxaa looga hadlay, sare u qaadidda ka jawaabcelinta, iyo isku duwidda xaaladaha degdega ah ee ka dhasha falalka guracan ee Argagxisada, sida qaraxyada iyo musiibooyinka kale sida dabka, fatahaahada, ayada oo lagu gorofeeyay , casharadii laga bartay dhacdadii ugu danbeysay ee qaraxii Xeebta liido, kaasoo dhacay 2badii August, sababay dhimasho 39 qof , dhaawac 268 qof, iyo burbur hanti intab.
Waxaane ka soo Baxay shirka qudobobada hoos ku xusan:
- Muhiimadda ee leedahay Isku-dubbaridka Xaaladaha Degdegga ah:
- Waxaa Xooga la saaray, falanqaynta doorka muhiimka ah oo ay leeyihiin dhammaan daneeyayaasha arrimaha gurmadka deg dega ah , si loo hubiyo wax-ka-qabashada xaaladahan oo kale, loona xoojiyo dadaallada iskaashi ee ka dhexeeya hay’adaha dowligha iyo kuwa gaarka loo leeyahay , si loogu guulaysto holwaha Gurmadka deg dega ah.
- Hanaanka cusub ee hawlgalinta Ambalaasyada
- Waxaa hoosta laga xariiqay , baahida loo qabo ka jawaabcelinta, iyo isku duwidda xaaladaha degdega ah, ayada oo la hirgaliyay hanaan cusub ee lagu howlagalinayo Amabalaasyada, Marki ay jirto xaalad deg deg ah.
- Aragtida Maamulka Gobolka Banaadir:
- Maamulka Gobolka Bandir ayaa sheegay dadaalda lagu bixiyay sidii loo hormarin lahaa wax ka qabashada xaaldaha deg dega ah , asaga oo tibaaxay casharada laga bartay dhacdadii xeebta liido, iyo Caqabadaha hadda jira. Waxaane leesla gartay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hogaamiyo howlgalada Amablaasyada ee gobolka, xilliga ay jirto xaalad deg dega ah.
- Talaabooyinka Dhaxal galka ah ee isbitaalada
- Waxaa la falanqeeyay , caqabdaha oo lakulmo isbitaalada , xilliyada xaaladaha deg dega ah, ayada oo hoosta lag xariiqay talaabooyinka ugu haboon ee lagu xaqiijin karo isku xirnaanta dhaamaan isbitaalada & Bixiyayaasha adeegyada gurmadka deg deg ah
- Xoojinta isku- Dubbaridka
Waxaa la iftiimiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la wanaajiyo xog – wadaaga iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay siyaabaha kor loogu qaadi karo Xiriika ka dhexeeya isbitaallada, adeegyada ambalaasyada, iyo hay’adaha dawladda.
- Aragtida Madasha Furan:
- Ka qaybgalayaashu waxay is la garteed hirgalinta madasha arigrtida furan, taaso ay ku wadaagayaan aragtidooda ku aadan caqabadaha ku horgudban isuduwidda xaaladaha deg deg ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo.
- Ogaysiin : Kooxda WhatsAppka – ee Isuduwidda Qaybta Gurmadka
Si, sare looqu qaado isku xirnaanta, iskuduwidda iyo xog -is dhaafsiga , waxaa leesla gartay in la sameeyo madashada mereegtada whats appka, oo ku wada jirraan qaybaha kala duwan ee gurmadka dega ka shaqeeya, taasoo loo isticmaali doono fududaynta howlaha Gurmadka deg dega ah.
- Aqoonsiga Degdegga ah ee Ambalaasyada iyo Gaadiidka Gurmadka
- Wadaagidda Xog hufan, xilliyadda xaaladaha deg dega.
- Sare u qaadidda wada shaqaynta adeeg bixiye yaasha caafimaadka.
- Abuuridda Mareegtida Whats – appka , maalmaha soo socda
- Kaqayb galin dhamystiran: Dhamaan daneeyayasha , waxa lagu soo dari doonaa kooxda whats appka.
- Habraac: Waxaa la dejinayaa hab-raacyada isticmaalka meereegtida whatsapp- ka ee kooxda si loo hubiyo xirirrka inuu noqdo mid wax ku ool ah kuna salaysan xirfad aqooneed.
Waxaane aaminsanahay in hindisahan uu si weyn u wanaajin doono awoodeena oo aan si degdeg ah, wax ku ool ah, uga jawaabi doono xaaladaha degdegga ah.
Talaabooyinka Xiga ( Next Steps)
Qaybinta Hanaanka Howlgalinta ( SOP_) : Marki la dhammeeyo hananka hawlgalinta ambalaasyada waxaa loo qaybin doonaa dhammaan dadka ay khusayso ugu danbayn, dhammaadka bishan si ay uga soo talabixiyaan dhamestirka SOP, kadibna si daah furan loola wadaago dhamaan cida ay khuseyso
Kulanka Daba-galka ah: Kulan daba- gal ah ayaa la qaban doonaa sedexda bil ee soo socda gudahooda , si dib loogu eego hirgelinta wax yaabaha laga wada hadlay loona qiimeeyo caqabadaha jiri kara, Kulankaas oo lagu qaban doono Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-Deg ah ee Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qarank ee SoDMA 7bada bisha January 2025
Aqoon-is-weydaarsi & iskaashi: waxaa la soo jeediyay , qabashada kulamo aqoon-is-weydaarsi ah, oo sare loogu qaadayo iskaashiga ka dhexeeya adeeg bixiyaasha Gurmadka degdegga.
Xog Aruurin (Mapping): In la soo aruuriyo xoogaha dhamaan Amblancyada iyo agabyada kale ee gurmadka deg-deg ah ka howlgala gobalka Banadir
Gunaanud : Shirka uu soo xiray Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ( SoDMA) Dr. Axmed Cabdi adan , ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay xiriirka dhiifanaanta , iyo iskudubbaridka dhammaan hay’adaha ku lugta leh wax ka qabashada xaaladda degdegga ah, asaga oo ku nuuxnuusaday baahida loo qabo in la helo hab midaysan oo lagu maareeyo xaaladaha degdega ah, si kor loogu qaado adkeysiga bulshada.