Muqdisho, Soomaaliya – Noveembar 21, 2024 – Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada ku aaddan ka jawaabista deg-degga ah iyo dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka.
Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan madax hay’adda ka tirsan Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno, Culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu soo bandhigay sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hay’addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.
Intii shirku socday waxaa la soo bandhigay muuqaal koobaya waxqabdka Hay’adda muddada labada sanno ah ee ay jirtay, sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo taabanaysa howlaha guud ee hay’adda hortabinta u leh, waxqabadka Xarunta Qaran ee Ka-digista Halis-wadareedka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee ku aaddan u diyaargarawga, ka jawaasista xalaadaha bani’aadannimo iyo hirgalinta mashaaricda dhisaya adkeysiga bulshada.
Shirkan oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii xal waara loogu heli lahaa maaraynta musiibooyinka iyo sidii loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed mustaqbal waara iyadoo xoogga la saarayo ka faa’iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha ayaa waxa aad looga dooday saddex arrimood oo muhiim ah kuwaasoo kala ah;
- Sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karaa gargaarka
- Sida looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda
- Doorka culumada ee ku aaddan wacyigelinta iyo xaqiijinta isku filnaanshiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Hay’adda SoDMA iyo Culimada Soomaaliyeed waxa ay isku raaceen;
- Xoojinta Wacyigalinta Bulshada, ayada oo culumada ay ka gaysanayaan dowr wax-ku-ool ah ololayaasha bulshada lagu barayo tallaabooyinka yaraynta khatarta iyo isku-tiirsanaanta xilliyadda ay jirto, amaba laga cabsi qabo saamaynta khataraha Musiibooyinka.
- Iftiiminta iyo is-waafajinta mabaadi’da Islaamka iyo siyaasadaha maareyntta khtaraha musiibooyinka iyo xoojinta farriimaha wacyigelinta ee la xiriira khataraha musiibada marka ay jirto xaalad deg-deg ah, iyadoo ay culumada ku soo jeedinayaan khudbadaha jimcaha ee masaajidda, shirarka arrimaha bulshada iyo munaasabadaha diimeed.
- Dhiiragalinta qiyamka islaamka ee samafalka, taas oo ay kamid tahay Sakada iyo noocyada kale ee diinta islaamka bogaadisay oo ay bulsho isugu kaalmayn karaan, si loo xaqiijyo iskutashiga bulsho.
- Sare u qaadidda fahamka iyo aqoonta ay culumda u leeyihiin arrimaha yaraynta khataraha Musiibooyinka iyo xirfadaha ka jawaasbista deg-degga ah.
- Dhiirigelinta doodaha diimeed ee ku saabsan ilaalinta degaanka iyo xiriirka ay la leedahay dhimista khataraha musiibooyinka.
- Xaqiijinta hab loo dhan yahay oo tixgelinaya baahiyaha bulshada leh duruufaha gaarka aha sida; haweenka, carruurta, iyo dadka naafada, xilliyada lagu jiro la tacaalidda khataraha musiibooyinka.
- Xoojinta kormeerka iyo la xisaabtanka hay’adaha samafalka ayadoo la diyaarinayo hannaan dhamaystiran oo lagu ilaalinayo, laguna kormeeraya howlaha ka jawaaibsta deg -degga ah, arrimaha hormarinta iyo mashaariicda u adkaysiga aafooyinka oo ay fulinayaan.
- In la badiyo wadatashiydada iyo kulamada noocaan oo kale ah, si loo kordhiyo is ka warqabka hay’adaha kala duwan ee doorka ku leh ka jawaabista deg-degga ah iyo yaraynta khataraha musiibooyinka kuwaas oo ay ka mid yihiin culumada Soomaaliyeed.
- In la dejiyo habab iyo siyaasado lagu dhimayo ku-tiirsanaanta muddada-dheer ee gargaarka dibadda, iyadoo xoogga la saarayo muhiimadda ay leedahay abuuritaanka kaabayaal dhaqaaale iyo qorsheyaal kor loogu qaadayo adkeysiga iyo isku filnaanshaha bulshada.
Gunaanad;
Shirkan waxa uu astaan u yahay tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca dhisidda adkeysiga bulsho awood u leh in ay ka gudbaan caqabadaha isla-markaana u xaqiijiyaan mustaqbakooda si is-xilqaan ah.
Ugu damebyn waxaa la isla gartay sida ay muhiim tahay in SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed ay yeeshaan xiriir dhow iskana kaashadaan barnaamijyada wacyi-gelinta bulshada ee ku aaddan ka hortagga khataraha iyo yaraynta saamaynta musiibooyinka.