Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa si rasmi ah uga daah-furay magaalada Jowhar Shirweynaha Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya.
Bogga HoreWararka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa si rasmi ah uga daah-furay magaalada Jowhar Shirweynaha Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya oo Meertadaan lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.
shirka waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, iyo bulshada rayidka, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal maxalli ah iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa ah madal muhiim ah oo ay ku kulmaan hey’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ururrada maxalliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, si ay uga wada hadlaan dardar-gelinta jawaabaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha looga hortagayo xaaladaha musiibooyinka ee dalka.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.
123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.






0 Comments