Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Maxamuud (Ducaale Darwiish), ka hadlay Shirka Jawaabista Abaaraha iyo sugnaanta Cuntada dalka ayaa sheegay in shirkan uu ku soo beegmay xilli dalku wajahayo abaar daran, gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.
Mudane Ducaale Darwiish ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada gurmadka, si wax looga qabto saameynta abaarta ku yeelatay bulshada ku nool deegannadaasi, kuwaas oo wajahaya Halis dhinaca Nolosha ah.








0 Comments