Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi heer qaran ah oo muhiim ah, kaasoo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka kala socday Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maamul-goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan wadatashiga ah oo socday muddo sedex bari ah oo u dhexeysay 28_30 June , ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada ilaalinta iyo awoodda baarista ee SoDMA, iyadoo loo marayo hanaan wadatashi loo dhan yahay. Ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd in la sameeyo habraacyo baariseed oo mideysan oo heer qaran ah, kuwaas oo lagu ogaanayo loogana falcelin karo kiisaska ku tagrifalka gargaarka bini’aadantinimo.
Ujeeddooyinka kulanka waxaa ka mid ahaa:
1: In la dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta gargaarka bini’aadantinimo.
2: In la sameeyo habraacyo baariseed oo ay isla oggol yihiin dhammaan hay’adaha khuseeya.
3: In la dhiso awoodda baaris ee SoDMA iyo la-hawlgalayaasheeda, iyada oo la siinayo tababaro iyo agab farsamo.
4: In la xaqiijiyo in bulshada ay si ammaan ah, qarsoodi ahna u soo sheegi karaan kiisaska ku saabsan leexsashada gargaarka.
Wadatashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay SoDMA ku horumarinayso daahfurnaanta, hufnaanta iyo la xisaabtanka ku saleysan maamulka gargaarka bini’aadantinimo, si loo ilaaliyo xaqa iyo karaamada dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka.
 
 

 
  
  
  
  
 





 
     
     
    

0 Comments