Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb-galaya daahfurka Shirweynaha 2-aad ee U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya ayaa tilmaamay in cilmi-baaristu tahay laf-dhabarta go’aan-qaadashada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025–2029, uu xoogga saarayo in horumarka iyo siyaasadaha qaranka lagu saleeyo xog, caddayn, iyo cilmi-baaris dhab ah, wuxuuna si gaar ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay fahamka cilmiyeed ee ku aaddan khataraha masiibooyinka, kaasoo ku salaysan xoojinta awoodda bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, si loo yareeyo khataraha Musiibooyinka, loona yareeyo nuglaanta bulshada.
Mudane Saalax ayaa sidoo kale tilmaamay, in shirkani uu dirayo farriin qotodheer oo ku salaysan sida cilmi-baarista, aqoonta degaanka, iyo ka-qaybgalka bulshada loogu beddeli karo ficil wax-ku-ool ah, isla-markaana cilmi-baaristu u tahay tiirka go’aan-qaadashada saxda ah, halka uu xusay in dalkeennu marayo marxalad uu dib u dhis ku samaynayo awoodda dowladnimo iyo adeegyada bulshada, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladdu ay gaaraan nooc kasta oo bulshada kamid ah.
0 Comments