Agaasime Jamaal Salaad Maxamed, oo ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Jubaland, ayaa Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC) ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaarta ee deegaannada Jubaland.
Mudane Jamaal Salaad Maxamed ayaa sheegay in abaartu ay gaartay heer aad u adag oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, isla markaana u baahan tahay ka-jawaabid degdeg ah. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda isku-duwidda qaran, gargaarka degdegga ah, iyo wada-shaqeynta hay’adaha, si wax looga qabto baahiyaha abaarta ka dhashay.








0 Comments