Ningxia, Shiinaha
Saraakiisha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ee aqoon kororsiga u jooga magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa maanta Safar booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Gurmadka Degdegga ee Gobolka Ningxia Red Cross Society of China.
Saraakiisha SoDMA waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Ms. Tan Jinfeng, Executive Vice President ee Red Cross-ka degmada Jin Feng ee magaalada Yin Chuan, iyo Mr. Fan Jinlin, Vice President ee Red Cross Society of China, laanta Ningxia.
Intii lagu guda jiray booqashada, saraakiisha SoDMA waxaa si qoto dheer loogu sharaxay howlaha iyo adeegyada kala duwan ee xarunta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo diyaarinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay agabka iyo qalabka casriga ah ee ay Red Cross-ka Ningxia u adeegsanayaan hawlaha gurmadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin agabka caafimaadka degdegga ah iyo nidaamyada casriga ah ee isgaarsiinta iyo isku xirka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah barnaamij aqoon kororsi iyo is-weydaarsi khibradeed oo loogu talagalay kor u qaadista awoodda SoDMA ee ku aaddan ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka. Waxay sidoo kale xoojineysaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada gurmadka bini’aadantinimo iyo yareynta khataraha masiibooyinka.
Saraakiisha SoDMA ayaa xusay in aqoon kororsiga noocan ahi uu yahay fursad muhiim ah oo lagu baranayo waayo-aragnimada caalamiga ah, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo dhisidda bulshooyin adkaysi leh gudaha Soomaaliya
0 Comments