Hay’adda Mareynta Musiibooyinka Qaranka Somaaliyeed (SoDMA) Waxay hambalyo iyo duco u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka munaasabadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Bishan fadliga badan waxay ku soo beegantay xilli ay jiraan duruufo nololeed oo adag iyo saameyn abaareed oo taabatay bulshadeena,Hoggaanka sare ee Hay’addu waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed in la xoojiyo is-garab-istaagga, samafalka iyo isu naxariisashada, si loo garab istaago qoysaska iyo dadka nugul.
Hay’addu waxay sidoo kale ballan-qaadaysaa inay sii wadi doonto dadaallada gurmad iyo u-diyaargarow si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka jira inta lagu guda jiro bisha barakaysan.
Ramadaan Mubaarak.








0 Comments