JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaaraya 10-gaari oo sida shixnad raashin ah u dirtay deegaanka lamabar-50 ee ka tirsan G/ Shabeellaha Hoose

Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA oo gargaar gaaraya 10-gaari oo sida shixnad raashin ah u dirtay deegaanka lamabar-50 ee ka tirsan G/ Shabeellaha Hoose

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa maanta gargaar loogu tala-galay shacabka saameenta ka soo gaartay dagaalada khawaarijta lagula jiro ee ka socda deegaano ka tirsan G/ Shabeellaha Hoose waxa ay u dirtay 10-gaari oo sida shixnad raashin ah.

Gargaarkaan ayaa si gaar ah ugu wajahan deegaanka lamabar-50 iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Lix kun (6,000) oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyaha deegaanka Lambar Konton iyo Iskuduwaha gargaarka gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha SoDMA oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka tabaalaysan ee cadowga deeganadoodii iyo beerahoodii ka soo barakiciyay, waxaana uu u mahadnaqay dowladda Shiinaha oo dhawaan gargaarkaan dalkeenna keentay.

Ma aha markii ugu horreysay ee SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana ka go’an marwalba caawinta Ummadda Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka ku nool.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.