JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Hay’adda SoDMA kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray Ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo

Bogga HoreWararka Hay’adda SoDMA kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray Ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayay Ka hortagga ku takrifalka gargaarka bini’aadannimo, loogana shaqeyn lahaa xaqiijinta in gargaarku si hufan, caddaalad ah, loona siman yahay uu ku gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay.

Kulankan oo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen maamulka gobolka Banaadir, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha ka jira habsami u socodka gargaarka, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nidaamka bixinta gargaarka.

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta howlaha gargaarka, iyagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola dagaallamo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka ku xeeran hawlaha gargaarka bini’aadannimo. Waxaa sidoo kale lagu booriyay bulshada in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta iyo kormeerka hannaanka gargaarka.

SoDMA waxay markale caddeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa in gargaar kasta lagu bixiyo si waafaqsan mabaadi’da bini’aadannimo, xeerarka caalamiga ah, iyo sharciyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu heshiiyay in la dhiso gudi farsamo oo ka shaqeeya ka hortagga ku tagrifalka gargaarka bini’aadannimo, lana xoojiyo wada shaqeynta dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.