Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa daah-furay shir wadatashi muhiim ah oo looga hadlayay arrinta la xiriirta leexsashada gargaarka bini’aadantinimo dhinaca sharciyadda iyo ilaalinta caddaaladda.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda, Hay’adda Dambi Baarista (CID), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, madaxda SoDMA, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qareenno (looyarro), kuwaas oo si qoto dheer uga dooday arrimaha la xiriira hufnaanta iyo isla xisaabtanka ku saabsan maaraynta gargaarka bini’aadantinimo ee dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa la is-weydaarsaday xog muhiim ah oo ku saabsan caqabadaha ka jira bixinta gargaar si waafaqsan sharciga, iyo doorka ay hay’adaha garsoorka iyo amniga ku leeyihiin xaqiijinta in gargaarka uu gaaro dadkii loogu talagalay si cadaalad iyo daahfurnaan leh.
Dr. Ismaaciil Jimcaale, Madaxa Horumarinta Mashaariicda ee SoDMA, ayaa shirka si rasmi ah u soo xiray, isaga oo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah, Asigoona ku baaqay in la dhiso hannaan mideysan oo hufan oo lagu maareeyo gargaarka.
0 Comments