Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir tababar oo shan maalmood soconaya, looguna talagalay Tababarka Macallimiinta (ToT) ee Qorshaha Waxqabadka Jinsiga ee Qaab-dhismeedka Sendai.
Shirka oo lagu xoojinayo fahamka arrimaha jinsiga, sinnaanta bulshada iyo awood-siinta haweenka ee maareynta masiibooyinka, ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda SoDMA, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo wasaaradaha maareynta masiiboyinka ee dowlad-goboleedyada dalka.
Inta uu socdo shirka, ka qeybgalayaasha waxaa lagu barayaa doorka jinsiga ee kahortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka, sida Sendai Framework uu u taageero ka-qaybgalka bulshada, iyo hababka casriga ah ee diyaar-garowga iyadoo la tixgelinayo baahiyaha haweenka iyo dadka nugul.
Ugu dambeyn, Dr. Ismaaciil Jimcaale, Madaxa Horumarinta Mashaaricda ee SoDMA, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo awoodda hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed, si loo hubsado maareyn masiibo oo ku dhisan sinnaanta iyo ka mid noqoshaha bulshada.








0 Comments