Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Ahmed Cabdi Aadan, ayaa ka qeyb galay Shirka Madasha Qaran ee Saadaasha Cimilada oo lagu soo bandhigay saadaasha roobka Gu’ga ee sannadkaan 2026.
Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay khubaro ku takhasustay cilmiga cimilada, hay’adaha dowladda, wakiillo ka socday maamul-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka. Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray falanqaynta xogaha cimilada si loo xoojiyo nidaamka digniinta hore iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha.
Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Ahmed Cabdi Aadan, oo Madasha Hadal ka jeediyay ayaa ka digay xaalad abaareed oo la filayo bilaha soo socda, taasoo u baahan feejignaan iyo u diyaargarow degdeg ah. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso tallaabooyinka ka hortagga iyo u diyaargarowga musiibooyinka, oo ay kamid yihiin xoojinta nidaamka digniinta hore, gaarsiinta biyo iyo raashin deegaannada nugul, iyo isku dubbaridka howlaha gurmadka oo lala kaashanayo maamul-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa ku baaqay iskaashi, iyo feejignaan si loo yareeyo saameynta abaarta loona badbaadiyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.
0 Comments