Baydhabo, Koonfur Galbeed, Soomaaliya — Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ka dhacaya magaalada Baydhabo.
Shirkan oo uu si weyn ula socday isaga oo ku taageeray mawduuciisa “Driving Localized, Inclusive, and Resilient Humanitarian Action” (Dadaallada Bani’aadannimo ee Maxalliga ah, loo dhan yahay, oo Waara), ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bini’aadannimo ee dalka, gaar ahaan sidii looga guuri lahaa ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda oo loo xoojin lahaa ka-hortagga musiibooyinka iyadoo la adeegsanayo xalal maxalli ah.
Mawduucyada Xudunta u ah Shirka:
- Maalgalinta Maxalliga ah: Waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha dhinaca maalgalinta iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo bulshada ka yimaada.
- Ka-hortagga Abaaraha: Guddoomiye Cali Saciid Fiqi, ayaa si qadarin iyo waajibaad leh u xusay muhiimadda maalgalinta mashaariicda waara sida beeraha, taasoo bulshada ka caawinaysa isku-filnaanshaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabadaynta dalka ay tahay furaha howlaha oo dhan.
- Doorka Dowladaha Hoose: In la xoojiyo doorka dowladda iyo hay’adaha maxalliga ah ee ku aaddan isku-duwidda iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin culus oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowlad-goboleedyada, madax ka socota Qaramada Midoobay, wakiilo diblomaasiyadeed, ururro samafal oo maxalli ah iyo kuwo caalami ah, iyo ganacsato.
Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid horseeda isbeddelo waaweyn oo lagu xoojinayo in Soomaaliya ay isku tashato dhinacyada gargaarka iyo horumarka, iyadoo laga gudbayo hab-dhaqankii hore ee gargaarka degdegga ah, laguna beddelayo xalal waara oo ay hormuud ka tahay dowladda Soomaaliya.








0 Comments