JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta Dhexe ku Soo Dhaweeyay Saraakiishii Tababarka Ku Soo Qaadatay Dalka Shiinaha

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta Dhexe ku Soo Dhaweeyay Saraakiishii Tababarka Ku Soo Qaadatay Dalka Shiinaha

Muqdisho, Soomaaliya – 8-da Oktoobar 2025:
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyay saraakiishii SoDMA ee dhawaan dalka Shiinaha ku soo dhammaystay tababar ku saabsan ka hortagga iyo yareynta musiibooyinka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay saraakiisha dadaalka, kartida iyo xilkasnimada ay muujiyeen intii uu tababarku socday, isaga oo kula dardaarmay in ay aqoontii iyo khibraddii ay halkaas ku soo barteen dib ugu celiyaan bulshada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo dadaallada qaranka ee lagu dhisayo nidaam wax ku ool ah oo looga hortago masiibooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo awoodda SoDMA iyo xirfadda shaqaalaha hay’adda ee dhinaca gurmadka iyo diyaarinta qorshayaasha ka hortagga masiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.