JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Masar ee Soomaaliya.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Masar ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mohamed salah keshtah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadanimo, ka-hortagga masiibooyinka, iyo dhismaha awoodda hay’adaha.

Safiirka Masar, Danjire Mohamed salah keshtah, ayaa sheegay in Dowladda Masar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka jiraan abaaraha, fatahaadaha, iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha SODMA, kuwaas oo ay ka mid yihiin in khubaro Masaari ah ay tababaro u fidiyaan shaqaalaha hay’adda, si loo xoojiyo aqoonta la xiriirta saadaasha hawada, qiimeynta khataraha, iyo maareynta masiibooyinka.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in Masar ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muhiim ah ka qaata xasilloonida iyo horumarka dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.