JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA oo ku baaqay jawaab qaran oo mideysan si wax looga qabto abaarta.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA oo ku baaqay jawaab qaran oo mideysan si wax looga qabto abaarta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo hadlay shirka wadatashiga qaran oo lagu qabtay Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay jawaab degdeg ah oo mideysan si wax looga qabto saameynta abaarta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin wuxuu sheegay in SoDMA ay la-tashiyo ballaaran la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada ka hor imaanshaha abaarta, isla markaana xaaladda si rasmi ah loola wadaagay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare, si loo helo faham qaran iyo qorshe wadajir ah.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u muujiyay doorka haweenka ee gurmadka, isagoo tilmaamay in ka-qaybgalka haweenku uu yahay furaha dardar-gelinta iyo fududeynta jawaabta bani’aadannimo.

Shirkaan wadatashiga ah ayaa lagu xoojiyay iskaashiga bulshada, wada-shaqeynta hay’adaha, iyo ka-qaybgalka haweenka, si loo yareeyo saameynta abaarta ku yeelatay dadka iyo deegaanka, loona xaqiijiyo gurmad wax ku ool ah oo degdeg ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.