Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo hadlay shirka wadatashiga qaran oo lagu qabtay Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay jawaab degdeg ah oo mideysan si wax looga qabto saameynta abaarta.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin wuxuu sheegay in SoDMA ay la-tashiyo ballaaran la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada ka hor imaanshaha abaarta, isla markaana xaaladda si rasmi ah loola wadaagay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare, si loo helo faham qaran iyo qorshe wadajir ah.
Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u muujiyay doorka haweenka ee gurmadka, isagoo tilmaamay in ka-qaybgalka haweenku uu yahay furaha dardar-gelinta iyo fududeynta jawaabta bani’aadannimo.
Shirkaan wadatashiga ah ayaa lagu xoojiyay iskaashiga bulshada, wada-shaqeynta hay’adaha, iyo ka-qaybgalka haweenka, si loo yareeyo saameynta abaarta ku yeelatay dadka iyo deegaanka, loona xaqiijiyo gurmad wax ku ool ah oo degdeg ah.








0 Comments