JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka hortagga abaaraha

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka hortagga abaaraha
Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida deg-degga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, ayna muhiim tahay in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.
Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhawaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka deg-degga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarku waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.
Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsiin.
Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.