JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Soo Xiray Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka – DRR

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Soo Xiray Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka – DRR

June 18, 2025

Drr | News

Guddoomiyaha SoDMA oo Soo Xiray Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xiray magaalada Muqdisho Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, oo socday Muddo Labo Malin ah, kana mid ahaa dadaallada lagu tayeynayo siyaasadda qaran ee arrimaha musiibooyinka.
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegis qaran oo dhammaystiran, iyadoo la tixgelinayo baahida dalka, khibradaha jira, iyo codka daneeyayaasha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo heli lahaa siyaasad qaran oo:
  • Hufan
  • Cadaalad ah
  • Qaran ahaan loo dhan yahay
  • Loogana jawaabayo caqabadaha masiibooyinka dalka
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyey doorka ka qeybgalayaasha iyo sida ay diiradda u saareen gaarista hiigsiga iyo himilada siyaasadda qaran. Wuxuu tilmaamay in shirkan uu yahay tallaabo muhiim u ah dhismaha nidaam maareyn masiibo oo casri ah, karti leh, isla markaana la jaanqaadaya xaaladda Soomaaliya.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.