Muqdisho – 18 Juun 2025: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga Dib-u-eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, kaasoo socday muddo labo maalmood ah.
Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo tayeynta siyaasadda qaranka ee maaraynta musiibooyinka, si loo dhiso hannaan qaran oo midaysan oo wax-ku-ool ah oo lagu maareeyo musiibooyinka dalka.
shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasaaraddo iyo Hay’addo heer Federaal ah, wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir, hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha SoDMA oo qudbad xiritaan ah ka jeediyay shirka ayaa xusay in siyaasadda qaranka ee maareynta masiibooyinka ay u baahan tahay in la casriyeeyo si ay ula jaanqaado duruufaha isbedelaya ee dalka iyo caalamkaba.
Guddoomiye Maxamuud Hadalkiisa sii wata ayaa Yiri “Waa waajib in aan ka gudubno hannaan u nugul masiibooyinka una guurno qorshe qaran oo ka hortag, u diyaargarow, iyo ka falcelin leh — kaasoo shacabka Soomaaliyeed ka dhigi kara kuwo adkeysi iyo diyaar-garow u leh masiibooyinka”.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in SoDMA ay ka go’an tahay in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu horumarinayo siyaasadda, sharciyada iyo nidaamyada lagu hago maaraynta musiibooyinka, iyadoo lagaashaneysa hay’adaha dowliga ah, kuwa caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah.
Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la dardargeliyo dhameystirka dib-u-eegista siyaasadda, lana sameeyo hannaan wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah oo u dhexeeya dhammaan daneeyayaasha.
0 Comments