JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Qurbo-Joogta Soomaaliyeed ugu baaqay Ka Qayb-Qaadashada Gurmadka Abaaraha dalka.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Qurbo-Joogta Soomaaliyeed ugu baaqay Ka Qayb-Qaadashada Gurmadka Abaaraha dalka.
Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,oo maanta ka qeyb galay Shirka Maalgashiga Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in dalka ay ka jirto abaar ba’an oo si weyn u saamaysay bulshooyinka nugul, taas oo u baahan gurmad degdeg ah iyo dadaal mideysan. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dardargeliyo hawlaha lagu badbaadinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan gurmadka, isagoo ammaanay taageerada joogtada ah ee ay u muujiyaan dadka dhibaateysan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyahu wuxuu xusay in Hay’adda SoDMA ay diyaarisay qorshayaal cad oo hagaya gurmadka, isla markaana qurbo-joogtu ay weli yihiin laf-dhabarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.