JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka (World Bank) ee Soomaaliya

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka (World Bank) ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka (World Bank) ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, ka hortagga khataraha dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dadaallada horumarinta bulshada ee ay dowladda Soomaaliya wado.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa bogaadiyay horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee SoDMA iyo guud ahaan hay’adaha dowladda, waxuuna ballanqaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee Soomaaliya u baahan tahay, si loo gaaro yoolka ah dhisidda bulsho adkaysi leh oo la tacaali karta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Ugu danbeyn , Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo ka hortagga musiibooyinka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha – SoDMA
📞 Tel: +252 615194343
📧 Email: Communications@sodma.gov.so
🌐 Website: www.sodma.gov.so

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.