JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka

June 7, 2025

Drr | News

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, (Global Platform for Disaster Risk Reduction – GPDRR 2025) kaas oo afartii sanaba mar la qabto.

Shirka oo socday intii u dhaxaysay 2 June ilaa 6 June, 2025, waxaa kasoo qeyb-galay in ka badan 2,700 oo qof oo isugu jiray madax sare iyo wufuud matalayay 133 dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ka mira-dhalinta doorka muhiimka ah ee yaraynta khataraha, ka hor tagga saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo wacyi ahaan wax ka qabashada iyo yareynta waxyeellada khataraha.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa laga jeediyay khudbado taabanaya hoggaaminta, isku xirka iyo horumarinta dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka iyo sida uu dal kasta horumar la taaban karo uga sameeyay dhinacyada la xariira maareeynta khataraha iyo xoojinta u adkeysiga aafooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo ka warbixiyay dadaallada iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dhanka maareynta khataraha musiibooyinka, wuxuu si gaar ah u xusay kobaca iyo dhismaha nidaamyada lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kal-fadhiga shirka qeybtiisa muhiimka ah ayaa lugu gaaray go’aanno wax-ku-ool ah oo la doonayo in madaxda dalalka madasha ka soo qeeyb-galay ay ayidaan sidii lugu gaari lahaa yoolalka u asteeysan istaraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai Framework taas oo fareysa waddamada in marka la gaaro 2030-ka uu dal kasta si buuxda u dhiso awoodaha lugu yareeynayo khataraha musiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.