Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah xaaladaha bani’aadannimo ee taagan
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah xaaladaha bani’aadannimo ee taagan
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahana isku-duwaha gargaarka bani’aadannimo ee dalka Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyaan xaaladaha bani’aadannimo ee taagan.
Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha OCHA, UNDP iyo FAO, ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga abaaraha laga baqayo in ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah bariga Afrika kuna jirto Soomaaliya, halka wax la iska weydiiyay sababaha keenay fatahaadaha xilligaan ka socda degaannada ku teetsan Wabiga Shabeelle, xilli aysan jirin roobab xooggan oo ka da’aya Soomaaliya iyo buuraha Itoobiya.
Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay warbixintii qiimaynta khasaaraha ka dhashay fatahaadihii Dayr-ta ee sanadii tagtay, xoojinta arimaha kahortagga leexsashada gargaarka, wadaagidda iyo wadajir uga war-qabka xogaha arrima bani’aadannimada ee dalka iyo sidii loo dardargalin lahaa mashruuca biyo xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar, gaar ahaan qeybta mashruucaan ka quseysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.
123
Somali Police442
National Emergency567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments