
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Magaalada Muqdisho Culimada Soomaaliyeed kala qeyb-galay munaasabadda daah-furka Midowga Golayaasha Culimada
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Magaalada Muqdisho Culimada Soomaaliyeed kala qeyb-galay munaasabadda daah-furka Midowga Golayaasha Culimada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda JFS, duubab-dhaqan iyo marti sharaf kale ayaa Culimada Soomaaliyeed kala qeyb-galay munaasabadda daah-furka Midowga Golayaasha Culimada oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Culimada Soomaaliyeed ee ku kala jira golyaasha iyo dalladaha kala duwan sida; Hay’adda Culimada, Golaha Guud ee Culimada, Golaha sare ee Culimada, Madasha Culimada ee dacwada iyo Fiqhiga iyo Majmaca Culimada ayaa ku midoobay Golahaan oo u jeedkiisu yahay ka hortagga fidnada iyo fikirka xagjirka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay midnimada, iskaashiga, isku-duwidda dalladaha iyo isku soo dhaweynta culimada, isagoo xusay in golaha looga baahan yahay inuu qeyb ka qaato dadaallada wacyi-galinta iyo u gurmashada dadkeenna nugul.
Mudane Maxamuud ayaa hoosta ka xaqiiqay muhiimadda ay leedahay furtitaanka Qasnad Qaran oo si mideysan dadka Soomaaliyeed ugu aruuriyaan Sakada iyo sadaqada ay la baxayaan, taasoo ay wadajir u maamulayaan Hay’adda iyo Midowga culimada, wax weyna u tari karta dadaallada gargaarka iyo dadka garab istaagga u baahan.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments