Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallim cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda Islamic Relief Soomaaliya Mudane Aliow iyo wafdi uu hoggaaminaaayo oo qeyb ka yihiin madax ka tirsan hay’adaas.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada hay’adood, daadajinta howlaha gargaar iyo mida horumarineed ee Hay’adda kawado dalka,
Ugu dambeyn labada dhinac ayaa ku balamay in labada hay’adood si dhaw u wada shaqeeyaan si looga jawaabo dhibaatada is bedelka cimilada sababeen.








0 Comments