
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi, isago si hoose ugu kuur-galay xaaladda bukaannada daryeelka caafimaad u baahan ee isbitaalka lagula tacaalayo, kuwaas oo u badan dad danyar ah iyo barakacayaal abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen oo ka war-qab gaar ah u baahan.
Guddoomiyaha ayaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed u wakiishay inuu Agaasimaha Guud ee isbitaalka degmada Jalalaqsi Haaruun Xasan Abiikar ku wareejiyo daawo nuucyo kala duwan leh oo isbitaalka ku filan muddo saddex bil ah.
Dhaqaatiir ka kala tirsan Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA iyo Isbitaalka Madiina ayaa baaritaanno caafimaad, daweyn iyo talooyin wax-ku-ool ah siiyay bukaannada isbitaalka ku jira.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments