Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo dhan laba boqol oo kun oo doollar ($200,000). Deeqdan oo ka timid Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa guddoonsiiyey Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Lacagtan ayaa loogu talagalay in gurmad degdeg ah loogu fidiyo dadka ay abaaruhu aadka u saameeyeen ee ku nool degmooyinka iyo deegaannada kala duwan ee Gobolka Awdal, oo ah gobol ay abaar aad u daran ka jirto, taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada halkaas ku dhaqan.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ka hadlay munaasabaddii wareejinta deeqda, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiye Muungaab iyo shacabka reer Banaadir sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen baaqa gurmadka ee Gobolka Awdal. Waxa uu ballanqaaday in lacagtan loo gaarsiin doono si hufan, cadaalad ah, ayna si toos ah ula soo gaari doonto dadkii ay ahayd inay gaarto.
Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabadda xildhibaanno, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey iskaashiga iyo wadajirka ay muujiyeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.
Doorka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Gurmadka Musiibooyinka
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) waxay horseed ka tahay hoggaaminta iyo isku-duwidda dhammaan dadaallada gurmadka musiibooyinka ee dalka ka dhaca. Hawlaha ay qabato waxaa ka mid ah diyaarinta qorshayaasha gurmadka, isku-xirka hay’adaha dawladda, kuwa samafalka iyo beesha caalamka, iyo sidoo kale gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee degdegga ah.
Soomaaliya waxay si joogto ah ula kulantaa musiibooyin dabiici ah oo soo noqnoqda, sida abaaraha, fatahaadaha webiyada, iyo roobabka xooggan ee daadadka geysta. Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo kooxdiisa ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeeya sidii loo heli lahaa jawaab celin wax ku ool ah, loogana hortagi lahaa saameynta musiibooyinkaas ay ku yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.
0 Comments