Baydhabo, Koonfur Galbeed, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah taariikhdu tahay 5-ta Agoosto 2025, gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa ah ka qaybgalka iyo marti-gelinta Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), kaas oo la qorsheeyay inuu furmo maalinta Khamiista ah, 6-da Agoosto 2025. Shirkan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh isku-dubbaridka dadaallada gargaarka iyo ka jawaabista xaaladaha bini’aadannimo ee dalka.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati-gaduud Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Soo dhaweynta ayaa calaamad u ah wadashaqeynta xooggan ee ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamullada gobollada si looga wada shaqeeyo arrimaha bini’aadannimo iyo maareynta musiibooyinka.
Macluumaad Guud oo Ku Saabsan Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Dalka (CHF)
Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Dalka (CHF), oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘Country Humanitarian Forum’ (CHF), waa madal muhiim ah oo ay si joogto ah u kulmaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha gargaarka Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Xukuumadda Soomaaliya, maamullada dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah ee gargaarka, iyo kuwa maxalliga ah.
Madashaan waxaa la qabtaa afar jeer sanadkii si looga doodo loona sameeyo qorshe wadajir ah oo looga jawaabayo baahiyaha gargaarka ee dalka ka jira, gaar ahaan xaaladaha ka dhasha abaaraha, daadadka, iyo barakaca.
Ujeeddada ugu weyn waa in la isku dubbarido dadaallada gargaarka, la qiimeeyo horumarka laga gaaray qorsheyaashii hore, lana meeldhigo habab cusub oo lagu isku dubbarido maaliyadda iyo mashaariicda gargaarka. Tan ayaa xaqiijinaysa in gargaarku noqdo mid hufan oo waxtar leh oo gaara dadka ugu baahida badan.
0 Comments