JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho ku tagay bakhaarka keydka gargaarka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho ku tagay bakhaarka keydka gargaarka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho ku tagay bakhaarka keydka gargaarka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.

U jeedka booqashada culimada ayaa ahaa, sidii bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata, qurbajoogta, ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo deeqbixiyeyaasha caalamiga ah loogu soo bandhigi lahaa inuu jiro gaabiskii ugu adkaa ee dhanka taageeradii ka imaan jirtay dibadda, taasoo sababtay in xilligaan oo dalku wajahayo abaartii ugu darnayd in muddo ah ay bakhaarradii gargaarku maran yihiin.

Culimada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay in ay u istaagaan samata-bixinta walaalahooda tabaaleysan, isla markaana ay ka qayb qaataan gurmad wadajir ah oo degdeg ah. Sidoo kale waxay farriin u direen beesha caalamka, iyagoo xusuusiyay in waqtigan uu yahay mid adag oo u baahan in laga jawaabo baaqyada gurmad ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa culimada uga mahadceliyay doorka ay ka qaadanayaan sidii dalka looga badbaadi lahaa macluul looguna gurman lahaa dadka abuuruhu saameeyeem, isagoo ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaallada u qareemidda kuwa nugul ee garab istagga degdegga ah u baayan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.