JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

*Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka*

Bogga HoreWararka *Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka*

July 8, 2025

Drr | News

Muqdisho, 8-da Luulyo, 2025 – Guddiga Gurmadka Qaran ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha musiibo ee ka dhici kara dalka.
Shirkan, oo ka dhacay xarunta Haydda SoDMA, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.
Intii uu socday kulanka, guddigu waxay xoogga saareen kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee xarumaha gurmadka degdegga ah, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo qalabeyntooda si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah. Waxa kale oo la adkeeyay baahida loo qabo diyaar-garowga looga hortagayo musiibooyinka soo noqnoqda ee saameeya dalka.
Sidoo kale, guddigu waxay ka doodeen baahida loo qabo in la sameeyo dadaallo dhaqaale ururin bulsho ah oo loo maro iskaashi u dhexeeya dowladda, ganacsatada, iyo shacabka, si loo taageero hay’adaha gurmadka si ay si wax ku ool ah uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiyaha guddiga, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda gurmadka ee dalka, isla markaana laga fogaanayo jawaab celin daahsan marka ay dhacaan musiibooyin.
Kulankan ayaa imaanaya xilli qeybo kamid ah dalka ay wajahayaan xaalado adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan is-kaashi iyo u diyaar-garow mideysan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.