JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe 2 oo Markii 4-aad Qabtay Munaasabadda Taakuleynta Agoonta iyo Rajada

Bogga HoreWararka Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe 2 oo Markii 4-aad Qabtay Munaasabadda Taakuleynta Agoonta iyo Rajada

Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe 2 oo Markii 4-aad Qabtay Munaasabadda Taakuleynta Agoonta iyo Rajada

Muqdisho, 25 Oktoobar 2025 –
Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii 29-ka Oktoobar (Soobe 2) ayaa maanta markii afaraad qabtay munaasabadda Taakuleynta Agoonta iyo Rajada, taas oo lagu taageerayay carruurtii ay waalidkood ku dhinteen qaraxii Soobe 2.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxaana ka soo qeyb galay xubnaha guddiga gurmadka qaran , ujeeddada Munaasibadda ayaa ahayd in lagu dhiirrigeliyo taageerada iyo daryeelka carruurta nugul ee waalidkood ku geeriyooday qaraxii Soobe 2, si ay u helaan nolol iyo rajo cusub.

Shiiq Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo sidoo kale ka tirsan guddiga qaran ee qaraxii Soobe 2, ayaa sheegay in taakuleynta agoonta iyo rajada ay tahay arrin muhiim ah oo diiniyan iyo bini’aadannimo ahaanba mudan in la ammaanayo. Wuxuu bulshada ugu baaqay in ay sii wadaan garab istaagga carruurtaas nugul, si aysan u dareemin cidlo iyo kalinimo.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo sidoo kale ah xubin katirsan Guddiga qaran Soobe 2 isla markaana munaasabadda daahfuray, ayaa xusay in SoDMA tan iyo aas-aaskeeda ay garab taagneyd dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe 2. Wuxuu tilmaamay in hay’addu ay mudnaan gaar ah siiso hawlaha gurmadka iyo taageerada bulshada, taas oo uu ku qeexay masuuliyad wadareed oo ay bulshadu wada leedahay.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, guddiga gurmadka qaran ayaa 372 carruur ah oo ah Agoon iyo Rajo ku wareejiyay taakulo dhaqaale, taas oo loogu talagalay in lagu taageero noloshooda iyo waxbarashadooda mustaqbalka. Taakuladan ayaa qeyb ka ah qorshaha joogtada ah ee guddigu ku taageerayo qoysaskii ay dhibaatadu saameysay, si loo hubiyo in carruurtaasi helaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal leh rajo iyo kalsooni.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Soobe 2 ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaalka lagu taageerayo qoysaska dhibbanayaasha, si loo xaqiijiyo in agoontaasi helaan nolol iyo mustaqbal ifaya, taasoo ka tarjumeysa ballanqaadka dowladda iyo hay’adaha samafalka ee garab istaaga dadka ay musiibooyinku saameeyaan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.