JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

GOLAHA AQALKA SARE OO MAANTA U YEERAY HEY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SI AY UGA DHAGEESTAAN WARBIXINTA XAALADAHA ABAARAHA EE SOOMAALIYA OO MEEL XASAASI AH MAREYSA.

Bogga HoreWararka GOLAHA AQALKA SARE OO MAANTA U YEERAY HEY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SI AY UGA DHAGEESTAAN WARBIXINTA XAALADAHA ABAARAHA EE SOOMAALIYA OO MEEL XASAASI AH MAREYSA.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga warbixiyay xaaladda abaarta ee ka sii daraysa dalka, kadib markii mudanayasha aqalka sare ay u yeereen si looga dhageesto xaaladihii u danbeeyay ee Dalka.
Guddoomiyaha Hayda’adda SoDMA ayaa sheegay in abaartu gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah iyo isku-duubni qaran.
Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xusay in dalka laga waayay dhowr xilli roobaad oo xiriir ah, taas oo keentay biyo la’aan baahsan, burbur ku yimid ilihii biyaha, iyo dhibaatooyin nololeed oo daran. Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba in ay garab istaagaan dadka ay abaartu saameysay.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in in ka badan 4.7 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay haatan wajahayaan xaalad abaareed oo adag, isla markaana ku dhowaad 600 oo ceel ay qalaleen. Meelaha qaar, ayuu sheegay, biyaha fuustadooda lagu kala iibsanayo illaa $50, taas oo ka baxsan awoodda dadka danyarta ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, ganacsatada, culimada, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in la xoojiyo dadaallada gurmadka iyo garab istaagga dadka ay abaartu saameysay.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.