JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga jawaabtay codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saameysay bulsho aad u nugul.

Bogga HoreWararka Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga jawaabtay codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saameysay bulsho aad u nugul.
Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga jawaabtay codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saameysay bulsho aad u nugul.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda kula yeeshay kulan gaar ah Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud, Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaareed iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.
Intii kulanku uu socday, waxaa lagu shaaciyay in Boqortooyada Sucuudiga ay oggolaatay gargaar degdeg ah oo lagu caawinayo ku dhowaad 100,000 oo qof, kuwaas oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay abaartu sida adag u saamaysay.
Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada bini’aadantinnimadda ee dalka.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudi Carabiya tallabadan degdegga ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in gurmadkani uu qayb ka noqonayo dadaallada lagu xoojinayo u gurmashada dadka abaartu saameysay.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.