JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Waaxda Caafimaadka

Asalka

Waaxda Caafimaadka iyo Wacyigelinta Dadweynaha waa laan istaraatiiji ah taasoo ay hirgelisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), waxayna diiradda saaraysaa ka falcelinta xaladaha caafimaad ee u baahan gurmad degdegga ah iyo wacyigelinta badbaadada  dadweynaha. Waxaada waxaa ka go’an ilaalinta badbaadada iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed, waaxdu waxay hiigsaneysaa in ay xoojiso u adkeysiga ay mujatamaca uleeyihiin  marka ay la kulmaan masiibooyinka sababa cafimada darayada bulshada ,sida colaadaha, iyo cudurada .

Inkasta oo abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqday ay yihiin masiibooyinka ugu badan ee ka dhaca Soomaaliya, haddana waxaa sii xumeeyey xalada colaado iyo qalalaase siyaasadeed kusoo socday tobannaankii  sano ee ugu danbeeyey . Qaraxyada iyo dagaallada tooska ah waxay sababaan khasaare badan oo naf iyo maalba  isugu jira, waxaana sannad kasta ku dhinta dad aad u tiro badan, halka rayid badan ay ku dhaawacmaan, qaarkoodna ay la noolaadaan naafonimo joogto ah. Daraasado badan ayaa muujinaya in haddii la heli lahaa nidaam daryeel caafimaad oo degdeg ah ka hor dhawaca inta aan isbitaalka lageyn ,  habaraacyo  lagu maareeyo dhaawacyada badan (mass casualty incidents), iyo bar isku-duwida howlagada gurmadaka caafimaadka  ee sida degdeg ah loogu baahanyahay , waxay yareen laheed sadex meelood dhimashada iyo nafanimada aan kasoo kabsahada laheen ee soo wajahda dadka dhibanayaasha ah .

Aasaaska Waaxda Caafimaadka ee hoostagta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) waa mid muhiim ah, waxay si gaar ah diiradda u saareysaa dayeelka xaladadaha caafimaadka ee u baahan gurmadka deg degga ah . Waaxdani waxay door muhiim ah ka ciyaareysaa wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee degdegga ah ee soo noqnoqda, kuwaas oo ka dhasha masiibooyinka dabiiciga iyo kuwa aan dabiiciga aheyn , sida colaadaha, qaraxyada , abaaraha iyo fatahaadaha ka dhaca wadanka Soomaaliya. Iyadoo loo marayo isku-duwidda dadaallada ka falcelinta masiibooyinka, xoojinta adeegyada iyo daryeelka dhaawacyada ee xarumaha caafimaadka, dhisidda iskaashi istaraatiiji ah oo lala yeesho daneeyayaasha ay khuseeyasa howshan , hirgelinta tallaabooyin ka hortag ah, sameynta ol’oleyaal wacyigelin caafimaad oo firfircoon, horumarinta kaabayaasha daryeelka caafimaad ee ka hor isbitaalka iyo taagirida xafumaha bixiya adeegyada caafimadka heerrakiisa kala duwan . waaxdu waxay u taagan tahay in si weyn loo yareeyo saameynta taban ee xaaladaha degdegga ah ku yeesha bulshooyinka nugul.

Taageerida  Waaxda Caafimaadka ee SoDMA waxay  muhiim utahay badqabka shacabka Soomaliyeed  , waxaana fursad lagu dhisikaro u tahay Soomaali caafimaad qabta oo ammaan ka ah dareel xumo iyo badbaado la’aan , sidookale waxay kaqey qadaneysaa xoojinta  awood muwaadiniinta ay kula tacaalaan dhibaatooyinka iyagoo leh adkeysi iyo diyaargarow buuxa.

Himilo

himilada waxada waxa ay  la jaanqaadaysa himilooyinka guud ee SoDMA, waaxdu waxay ku taamaysaa “Soomaaliya oo u adkaysi u leh  xaladaha caafimaad daro ee kadhsha masiibooyinka , islamrkana si wax ku ool ah looxoojiyo  u adkeysiga bulshada ee afooyinka dabiicga iyo kuwa aan dabiiciga aheyn”

Hawlgal

Iyadoo qayb ka ah himilada ballaaran ee SoDMA, Waaxda Caafimaadka waxaa ka go’an kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan gurmadka caafimaadka degdegga ah iyo badbaadada dadweynaha, awood-siinta bulshooyinka, iyo hoggaaminta dadaallada isku-duuban ee wax-ka-qabashada aafooyinka dhinaca caafimaadka. Annagoo la shaqeyneyna guud ahaan hay’adda, waxaan u taaganahay dhisidda Soomaaliya oo caafimaad qabta islamrkana leh gurmad la’isku haleen karo goorkasta iyo goobkasta.