JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

AGAASIMAHA GOBOLKA BARIGA AFRIKA EE HAY’ADDA ISLAMIC RELIEF IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO SOO BOOQDAY SoDMA

Bogga HoreWararka AGAASIMAHA GOBOLKA BARIGA AFRIKA EE HAY’ADDA ISLAMIC RELIEF IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO SOO BOOQDAY SoDMA

September 18, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Gobolka Bariga Afrika ee Hay’adda Islamic Relief, Mudane Yuusuf Rooble, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga masiibooyinka, bixinta gargaarka degdegga ah, iyo tababarka shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.
Agaasimaha Islamic Relief ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee SoDMA, isagoo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga bulshada nugul.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo dardargeliya iskaashiga, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in wada-shaqeyntan joogtada ah ay horseedi doonto xal waara oo wax ku ool ah.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.