Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝, ayaa Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha (NDMCC) ku soo bandhigay heerka abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle.
Mudane Cabdiqadir ayaa sheegay in wabiyadii ay qalaleen, ceelashii biyo la’aan noqdeen, isla markaana saameynta abaarta ay sii xoojisay amni-darrada ka dhalatay dagaalka argagixisada, taas oo ka dhigtay bulshada ku nool Hirshabelle kuwo ku sugan xaalad aad u adag oo u baahan garab-istaag degdeg ah iyo ka-jawaabid wax-ku-ool ah.








0 Comments