Muqdisho, Soomaaliya:
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu soo gabagabeynayay Toddobaadka Aqoonsiga 2026, isla markaana lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda aqoonsiga qaranka, ka-qaybgalka bulshada iyo doorka aqoonsiga ee horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa fahamka iyo adeegsiga aqoonsiga qaranka.








0 Comments