Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul ee halista ugu jira fatahaadaha, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Kormeerka waxuu ku qiimeeyay heerka biyaha webiga iyo xaaladda goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, iyadoo diiradda la saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa masuuliyiinta iyo bulshada Beledweyne ku adkeeyay inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo laguna xirayo meelaha uu wabigu ka jilicsan yahay, si looga hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.
Booqashadan waxay ku soo beegmaysa xilli la saadaalinayo saameynta Super El Niño, oo si weyn u saameyn karta deegaannada ku teedsan webiyada.













0 Comments